Huriwaa Media Network

Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii Ismiidaaminta lala beegsaday garoonka Muqdisho.
Warar dheeraad ah waxay ka soo baxayaan qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta lala eegtay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, qaraxyadaasi oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac kala duwan.

Wararka ay heshay shabakada Huriwaa.com ayaa sheegay in ay ku dhinteen weerarkaasi oo ahaa mid laga soo shaqeeyey Askar ka tirsan kuwa Midowga Afirka, Dowladda KMG iyo dad kale oo rayid ah.

Qaabka weerarkan ismiidaaminta ah uu u dhacay mid laba waji lahaa, Wajiga koowaad oo ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari Rooneyd ah laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa qof naftii hore ahaa ku qarxiyey Afaafka hore Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi kadib qarax kale oo watay tacshiirad waxay ka dhaceen gudaha iyo daafaha garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, qaraxaasi labaad ayaana dhaliyey qasaaraha ugu badan ee ka dhashay weerarkii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay dhankooda inay uga dhinteen laba askari iyo dhawacyo kale, isla markaana fashiliyeen qaraxaasi oo qasaare intasi ka badan geysan lahaa.

Si kasta oo ay ahaato qaraxan ayaa imaanaya xili saacado yar ka hor garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka duuleen wafdi ka socday Beesha Caalamka oo kormeer ku joogay Magaalada Muqdisho.

Somalia airport comes under attack
At least eight people have been killed in bomb blasts at the main airport in Mogadishu, the Somali capital, witnesses have said.

The victims in Thursday’s blasts included African Union (AU) peacekeeping troops.

Witnesses said a suicide bomber rammed a car into an AU peacekeepers post outside the airport and that they heard a second explosion inside the compound shortly afterwards.

A spokesman with the African Union confirmed the car bomb attack.

Mohamed Abdi, a shopkeeper, told Reuters news agency: “I have seen four bleeding AU soldiers being carried at the gate. At least eight dead bodies, most of them Amisom soldiers were lying on the ground.”

Two women begging in the street were also killed and one policeman was wounded, said Abdul Rahman Yussef, a Somali army official.

‘Massive war’

Somalia’s interim government warned on Wednesday that it expected a surge in violence as the Muslim holy month of Ramadan draws to a close.

The anti-government group al-Shabab in August declared a “massive, final” war against what it called “invaders”, an apparent reference to the 6,000 African Union troops deployed in the country to support government forces.

Fighters attacked army barracks in several districts of Mogadishu following the announcement and dozens were killed.

Hundreds of new peacekeepers, mostly Ugandan, have arrived in recent weeks to help the government in its battle against al-Shabab.

The force has so far been able to do little more than guard the airport and port and shield Sharif Ahmed, the president.

source:: aljazeera

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya qarax ismiidaamin ah goor dhow ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya Muqdisho.

Gaari Rooneyd ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa isla markaana qof naftii hore ahaa uu saarnaa ayaa isku qarxiyey afaafka hore Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, qaraxa kadibna Gaari kale oo kaarib ah oo ay la socdeen ragg labisan dareeska Ciidamada dowladda KMG bilaabeen in ay furaan rasaas culus.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ee jooga garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa dhankooda fureen rasaas xoogan oo qal qal iyo cabsi gelisay dadkii ku sugnaa gudaha iyo daafaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa Ismiidaaminta ah, marka laga reebo qofkii is qarxiyey meydkiisa iyo dad kale oo yaala afaafka hore Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Wixii faah faahin intaasi dheer kala soco wararkeena danbe “Insha Allaah”.

Xildhibaanada oo sharaf yeesha shirar iyo shukaansi gooni gooni ah lala galo idinkaa sharci ah ahna loo sheego marka uu jiro khilaaf Madaxeyanha iyo Ra’iisul wasaaraha ah oo shaacbaxay(Warbixin).
Marka laga hadlayo xildhibaanada waa kuwo aad u tiro badan oo aan tayo lahayn hadana waa kuwa ay ka fusho howlo badan oo horyaala Dowlada markaasi ay la shaqeynayan.

Shaqadoodii waxa inta badan iska fuliya rag gar ah,waxaana ay xildhibano yihiin marka uu jiro khilaaf soo shaacbaxay oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ama Gudomiyaha barlamaanka kmg ah xiligaas waa mudanayaal, waxaana madaxada hal qabsi u ah sharcidajiyayaasha ayaa jooga.

Waxa hada dhacaya ma ahan wax cusub oo horey loo soo arkay hadana isbad badalaya hadii aan tusaale u soo qaadano Dowlada Cabdulaahi yuusuf waxa isku dhaganaayeen isaga iyo Cali geedi kala wareegi hada waxa iska dhegan shariif iyo sharmaake.

Wali waa meesheedii howsha laakiin halka sarta ay ka qurunsan tahay waa xildhibaano iyaga la gadanayo kuwaas oo ka dhabeeya in ay u hogaansamaan waxa uu rabo ninka maalintasi qadada u sameeya ama wax xooga lagac ah siiya.

Xildhibaanada ayaa hareer maray dar daaran uu jeediyay Xildhibaan Maxamed qanyare oo ah nin Odey ah oo ku soo gubtay siyaasada,waxaana uu yiri kisto qaado waxa sharciga ahna fuli laakiin wa in aysan ku hogaminin waxa lagu siiyay waana arin macquulgal ah bal wa ay hareer mareen dardaarankaasi.

Aan u soo laabto shariif iyo sharmaake hada ayay wadaan qorshe ninkasta uu kaligas kula shirayo xildhibano kala lunsan oo kala jooga Muqdisho iyo Nairobi ninkasta waxa uu raabaa in uu cugsado xildhibaanada uga baxo dhiiqo uu ka bixi la’ayahay laakiin ma fahansana xildhibaanada manta albaabada ay u furan yihiin laakiin bari wa ay xirn yihiin maya.

Arintan uma bahna wax macno ah in Xildhibaanada ay  sharaf yeeshaan shirar iyo shukaansi gooni gooni ah lala galo idiinka sharci ah ahna loo sheego marka uu jira khilaaf madaxeyanha iyo Ra’iisul wasaaraha ah oo shaacbaxay kaas lagu madax tiirinayo sharciyad.

Gunaanadkii waxa ay tahay mudanyaasha oo dalka madax ka ah laakiin majo iska dhiga oo nin ay u taliyaan malin kasta uu marna u yeerto manta ka yeerto marna uu soo maciin bido taas  oo aysan wali fahmin mudanayaasha.

W/D/Saalax Nuur Cal (salax dheere)

Emailka saalaxcade@hotmail.com

Askar Shabaab ah oo Tababar u dhamaaday
askar shabaab ah

Dhammaan dunida Muslimka oo maanta laga qaban qaabinayo munaasabada Ciida oo bari ku baaqeen.
Dunida Islaamka oo Soonka bisha Ramadaan mar wada oogay ayaa maanta waxa ay u tahay maalintii ugu dambeysay ee Soon, waxayna berri oo maalin Jimce ah u tahay Ciid.

Dalal badan oo dunida Islaamka ah ayaa iclaamiyay in Ciidul Fidriga sanadkan 1431-da Hijriyada ay ku beegan tahay maalinta Jimcada ee berri oo bisha September ay tahay 10, tan muslimkuna ay tahay 1 bisha 10-aad 1431 Hijriyada.

Dalalka shaaca ka qaaday in Jimcada ay tahay ciid waxaa ka mid ah Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Soomaaliya iyo dalal badan oo Muslimiin ah, waxa ayna noqonaysaa in muddo ah markii ugu horeysay oo ay dunida Muslimku hal mar wada ciidaan intooda badan, iyadoo ay xusid mudan tahay in bishan ay noqotay 30-buuxa, halka blihii hore u badnaayeen in la soomo 29 maalmood.

Soomaaliya, dastuur mise jahwareer?!
Sida ay ku dhisantahay, guud ahaan, nolosha caalamka aynu joogno, islamaarkaana ah xikmad aad u weyn ee Rabbi ugu talo galay in umuuruhu ay sidaa ku socdaan; waxaa ka mid ah waxyaabah iska soo horjeeda sida: mugdiga iyo iftiinka, jahliga iyo aqoonta, cudurka iyo caafimaadka, nidaamka iyo isku dhex-yaaca.., iwm

Soomaaliya, ilaa iyo maalintii ay burburtay dowladnimadu, 1991-dii, dalkanu hoos ugu quusay dagaal sokeeye iyo jahwareer waxaa la raadinayay in dib loo soo celiyo hanaankii iyo kala danbeyntii dowladnimo, xal waarana loo helo dhibaatada siyaasadeed iyo bulsho ee dalka u horseeday xaaladda murugsan ee dhacday

Sidaa darteed, waa talo wanaagsan in laysla garto sababihii keenay burburkii ku dhacay qaranimadii Soomaaliyeed iyo kala guurkii ay bulshadeenu u kala guurta gobolada dalka, iyadoo qaar beelaha ka mid ah, sida kuwa dega dhinaca WAQOOYI-BARI, ay ku dhaqaaqeyn inay sameystaan qaab siyaasadeed, (dowlad goboleed) oo ay doonayaan in mustaqbalka uga badbaadaan dowlad dhexe oo awood badan, talada dalkana kaligeed gacanta ku hayda

Dhinac kale, waxaa taa ka horeeyay iyadoo qaar ka mid ah beelaha dega gobolada WAQQYI-GALBEED ay go’aansadeen inay ka goosteen Soomaalida inteeda kale, kuna dhawaaqeen dowlada madaxbanana oo ay si quus ah uga raadinayaan Beesha Caalmka in garwaaqsato jiritaanka dowladaas ka go’aysa Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona ogolaado inay ka mid noqoto xubun dowladaha caalamka ee qaranimda loo aqoonsanyahay

Si kastab, waa talaab aad muhiim u ah, mudana in lasoo dhaweeyo dajinta dastuur tusaale ka bixiya qaabka loo dhisidoono isla markaana ay u shaqeyndoonaaan hay’adaha dowladda joogtada u noqon doonta Qaranka Soomaaliyeed

Iyadoo xaalku sidaa yahay, ayay bulshada Soomaaliyeed, gudaha dalka iyo dibadda, waxay aad isu weydiinayaan sababta ay xukuumaddu marxaladdan adag culeyska u saareydo inay bandhiggto si dood laga furo dastuur qabyo ah oo la sheegayo inuu u baahanyahay hagaajin iyo dhameystir

Waxaa kale oo si aad ah leysu weydiinayaa qaabka, markii horeyba, loo magacaabay gudiga madaxa banana ee in muddo ah ku hawlanaa soo diyaarinta dastuurkan qabyada ah

Haddii aan si kale u iraahdo, waxaa tuhin laga qabaa in gudigu ka koobanaa koox isku argti ah oo si qorsheysan u doonaya inay u qaabeeyaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka

Waxaa la ogsoonyahay in dowladihii kul meel gaar ahaa ee ka horeeyay tan hadda jirta ay la kulmeen colaad iyo diidmo lagala horyimid ugu danbeyntiina sababay fashalkooda iyo inay xal u helikari waayeen mashaakilkii siyaasadeed ee dalka ka jiray

Waxaa cad in dhibaatada hortaagan dowladdan uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheykh Axmed ay aad uga culustahay waxii mashaakil jiray ee dowladihii KMG ahaa ee ka horeeyay qabsaday

Labada arrimood ee ah DASTUURKA iyo hanaahka FEDERAALKA ee wada socda, waxaa la moodaa inay noqonayaan dhibaato kale oo iyadoo laga maarmo, si aan xikmadi ahayn oo tuhun keeni karta banaanka lasoo dhigay, taasoo aan shaki laheyn inay qas iyo jahwareer siyaasadeed oo fashal ku keena siyaasadda dowladda ee ku aadan dib u heshiisiin iyo kalsooni ka dhex-abuurka bulshada Soomaaliyeed ee loo baahanyahay inay kasoo kabato dagaalkii sokeeye

Dood laga furu ansixinta dastuurka cusub iyadoo mucaaradka hubeysan ay ciidamada dowladda kula jiraan dagaal ay sheegeen inuu yahay kii ugu danbeyay ay ku burburin lahaayeen jirtaanka Dowlad Soomaaliyeed, waxay u egtahay nimankii faylosuufiinta Giriiga ee iyadoo ciidamada Rooma ee doonayay inay qabtaan ATHENA ayna soo gaareyn hareeraha magaalada, ay dood iyo muran badan ka sameynayeen: digaagga iyo ukunta keebaa horeeyay?!!

Waxaa hubaal ah in Al-Shabaab aysan dan iyo maslaxad ka laheyn dowlad, shacbi ama dastuur qaran sida ay ciidamadii Roomaanka ee qabsaday ATHENA aysan u daneyn inay isku taxlujiyaan jawaabta doodii dhextiil faylusuufiiyiinta Giriiga

Dantu waxay ku jirtaa, si aan jahwareer siyaasadeed uusan dalku u galin, in dib loo dhigo arrinta ku saabsan doodda distuurka cusub ilaa iyo inta laga gudbayo marxaladdan adag iyo colaadda joogtada noqotay oo ay hor kacayaan ururadan aan naxaxariista Islaamka iyo garsho toosan midna aan ku shaqeyneyn ee Al-Shabaab iyo Xisbiga

Qore: Xassan Xayle

hassanhaile@hotmail.com

Gabar Iyada oo Yuhuudiyad ah Masaajid gashay, kana soo baxday iyada oo Muslim ah!!!
Faadumo waa gabar u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah, waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

Raadinta xaqiida ?????

Iyadoo ka warameysa qisadeeda waxay tiri: Afar sanno ka hor waxay noloshayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan, taasoo u baahan sidii aan jawaabi ugu heli lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga, jawaabahaas oo iga baa-bi’inaya fikirka iyo werwerka badan ee i haysta, welibana arinta ka dhaxaysa bani-aadamka iyo ILAAAHEY cazza wajalla.

Bilawgii qisada (London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tiri: Mar aan ku sugnaa London oo aan dhiganayey jaamacad waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanan bilaabay inaan la xiriiro, waxa aan aad ula yaabay degnaanshaha hooyada iyo xaafadda ay ku nooshahay oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka dumarka ah, iyo makaanka ay haweneydu ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin oo ay ku noolaanayaan, iyo barbaarita ubadkooda, kalmadahaan ayaa igu noqday kalmado uu u soo jeestay caqligeyga iyo qalbigeyga iguna kallifay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka warramaysa sheekadeeda waxay tiri: waxaan baxay maalin maalmaha ka mida oo aan tegay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn, waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gar weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey, waxaana uu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xirto ixtiraam kaas masaajidka dhexdiisa iskuma aan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanu ila fadhiistay, waxaana uu isiiyey qeyb ka mid ah aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilaabay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilaabay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiigii, taasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeesto diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo korkooda a’ahaate , taasoo ii sii jiideysa oo kale xiriirka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala, oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay, iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.

Laakiin waxaa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxa aan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xirto xijaabka, waxa aay taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakiin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xiranna xijaabka.

… Qoyskeyga kadib islaamnimadayda

Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xiritaanka xijaabka, ILAAHAY mahaddiisa wax dhiba kalama aan kulmin bulshada halkaas (London), walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, waqti kadib waqtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan ula noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay, tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga ( xijaabka ) saaran mar walba, illaa wuu ii soo galay aabbahay marqudha isagoo i arkay anoo tukanaya taasoo ku noqotay layaab… muu aqblin fikirkayga islaamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama waqti sababta igu kaliftay inaan diinta islaamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay haddana walaalkey, waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaana uu aabbahay go’aansaday inuu guriga iga eryo, hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabbahay yeelay, bal way aamustay kamanay hadal, ilama uusan hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islaamnimayda, kumana qanacsanayn xiritaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan, waxaana kamid ah sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi inuu u sabro waalidkiisa iyo inuu ixtiraamo, waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xariiraya reerkayga, anoo qancinaya oo isku deyaya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiisa waxay tiri: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda, laakiin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey inuu igu dhacay cudurka kansarka ah, sidaa darteedna aan u xirtay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka, waxaan arkay anoo walaalayaal badan ku dayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.

Bani-aadam kasta, …… wuxu isku deyay shaydaanku inuu soo galo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar …, haddaba mexico oo ah dal kulul oo xiritaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xirto, sababtaas daraadeed ayuu shaydaanku albaabada iiga soogalayey si aan iskaga bixiyo xijaabka kulaylka daraadii, haddana shaydaanka ayaan iska naari jiray, waxa aan akhrisanayey aayado quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Waqti waqtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo i weydiinayey su’aalo, isagoo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina muxammed?

Waxaan ugu jawaabay maya, wuxuu igu yiri waxaan u malaynayaa in nebigiinna muxammed uu iigu yimid RIYO oo igu yiri: cid kuma qasabno inuu diinta islaamka soogalo… riyadaa walaalkey kadib waxaan dareemay isbadel sida uu ila dhaqmayo, isagoo noqday mid raali ka ah xiritaanka xijaabka, wuxuu noqday mid mar walba ila hadla ina soo booqda waqti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhameyneysa waxay tiri: ilaahay ayaan u mahad naqayaa cazza wajalla, nicmada diinta islaamka oo uu ku hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaa aan ilaahay ugu mahadnaqayaa subxaanahu watacaala, sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala.

Xigasho: http://www.islamway.com/?iw_s=Article&iw_a=view&article_id=5180

Shariif Xasan oo bilaabay diyaarinta Mowshin xilka qaadis ka dhan ah Madaxweynaha.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Sakiin inuu bilaabay diyaarinta mowshin ka dhan ah Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudane ka tirsan baarlamanka KMG ee Soomaaliya oo naga codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay Guddoomiyaha Baarlamanka inuu wado diyaarinta Mowshin ka dhan ah Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sakiin oo qilaaf hoose oo dhanka maaliyada  ah isaga iyo Madaxweynaha soo kala dhex galay ayaa bilaabay inuu la safto dhanka Ra’iisul Wasaaraha kulana aragti noqday samaynta Dastuurka Cusub ee hadda qabyada ah.

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo beesha Caalamka taageero lixaad leh ka heysta waxaa soo foodsaari doona maalmahan caqbado dhanka Shariif Sakiin maadaama sida la sheegay uu bilaabay diyaarinta mowshin ka dhan ah Madaxweynaha oo waqti kooban u harsan yahay.

Ugu danbeyntii Magaalada neyroobi ee Dalka Kenya waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul wasaaraha kuwaas oo xod xodasho shukaansi ah ugu jiraan sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo Siyaasad ahaan is faham waa soo kala dhex galay muddooyinkii ugu danbeeyey.

10 ruux oo Masoomayaal ah oo xalay lagu Tacziiriyey Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Maamulka Ururka xizbul Islaam Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa shalay gelinkii danbe Xukuno Tacziir ah ku fuliyey ilaa 10 ruux oo Masoomayaal ah, kadib markii laga soo qabqabtay xaafadaha degaankaasi.

Dadkan la tacziiriyey waxaa ka mid ahaa qof dumar ah waxayna ku mashquulsanaayeen Qayilaad xili lagu jiro Bisha Ramadaan oo ay xaaraan tahay in Cudur daar la’aan qofka Islaamka ah uu Soonka Furo ama  Afurnaado.

Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta maamulka Ururka xizbul Islaam Deegaanka Ceelasha biyaha oo hadalo ka jeediyeen fagaarihii lagu tacziiriyey dadkaasi Masoomayaasha ah ayaa waxay uga digeen in dadku afurnaadaan iyadoo lagu jiro Bisha Ramadaan.

Ma ahan markii ugu horaysay dad lagu soo eedeeyey Masoomayaalnimo lagu tacziiriyo deegaanada loo barakacay ee Duleedka Magaalada Muqdisho.