Xeradii ciidamada cirka ee Afisooni ayaa maanta waxaa ka socda bur burin xoogan oo ay sameynayaan dadka halkaas ku dhaqnaa ka dib hanjabaad kaga timid maamulka Dowlada KMG ah u qaabilsan Gobalka banaadoir.
Dadka halkaas ku dhaqan ayaa bilaabay in ay fujistaan jiingadaha halkaas ugu yaalay waxayna sheegayaan dadkaas qaar kood in ay ka cabsi qabaan in halkaas ay dhibaato ku soo gaarto ka dib qaraxyo iyo iska hor imaad shalay halkaas ka dhacay.
Mid ka mid ah dadka halkaas ku dhaqnaa ayaa sheegay in xalay ay soo wajahday cabsi xoogan oo kaga imaaneysa Ciidamada dowlada KMG ah oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan guryaha halkaas ku yaala, islamarkaana ay talaabo adag ka qaadi doonaan dadkii ka hor yimaada amarkaas.
Si kastaba ha’ahaatee dowlada KMG ah ayaa tuhunsan in halkaas ay ku dhaqan yihiin xubno ka tirsan xoogaga ka soo horjeeda, iyagoona muujiyay cabsida ay ka qabaan dhibaato halkaas ka timaada.
Xafiiska Wararka Huriwaa,Muqdisho
wararka@huriwaa.com webmaster@huriwaa.com






