Masuuliyiinta maamuladii gobolada bay,bakool iyo gedo ee dowlada KMG ah ee laga saaray Gobaladaas oo haatan ku sugan Degmada Dooloow ee Gobalka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Gobalka Gedo.
Afhayeenka masuuliyiinta dowlada KMG ah ee ku sugan dooloow Cabdi Barre Cabdi ayaa sheegay in xil ka qaadista gudoomiyaha Gobalka Gedo ay la xiriirto ka dib markii uu gudan waayay howlihii gobalka, islamarkaana uu mudo dheer ka maqan yahay gobalkaas.
Waxa uu sheegay in gudoomiyihii hore uu ku xad gudbay dastuurka maamulka, isagoona ka maqnaa Gobalka laba sano, iyadoo dastuurka uu dhigayay in uusan ka maqnaan Karin gobalka in ka badan 30 maalmood.
Maxamed Cabdi Kaliil ayay xubnahaas u magacaabeen gudoomiyaha Gobalka Gedo, isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobalkaas mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay gudoomiyhii xilka qaadista lagu sameeyay.
Xafiiska Wararka Huriwaa,Muqdisho
wararka@huriwaa.com webmaster@huriwaa.com






