Where is our Flag? Maalmo macaan oo ay ka danbeyeen murugo iyo dhiig

Wararkii ugu Danbeeyay iyo Faaladooda kal soco Warbaahinta Wararkeedu Sugan yihiin Huriwaa.com

Dowladda KMG oo diyaarisay Ciidamada duulaanka ku soo qaadi lahaa Gobolada Jubooyinka.

Posted by staff on Mar 7th, 2010 and filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG gobolada Jubooyinka ayaa sheegeen in ay diyaariyeen Ciidamada dowladda ka qeyb qaadan lahaa dib u xoraynta gobolada Jubooyinka.
Afhayeen u hadlay Ciidamada dowladda KMG Gobolada Jubooyinka magaciisana ku sheegay Xirsi Xaaji Cabdi ayaa sheegay 2000-kun askari ciidamo ka badan oo tababaro soo dhamaysteen diyaar u noqdene sidii ay u xorayn lahaayeen Gobolada Jubooyinka oo Al-shabaab iyo xizbul Islaam maamulaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay dullaanka dagaal inuu hareer socda wada hadalo hoose oo u socda odayaasha iyo waxgaradka gobolada Jubooyinka si ay u taageeraan duulaanka Ciidamada Dowladda KMG doonayso in ay ku xorayso goboladaasi sida uu yiri.
Xirsi Xaaji Cabdi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay sidoo kale dagaalo uu sheegay Ciidamada Dowladda kMG Duleedka degamada Afmadow kula galeen Alshabaab ugana gubeen gaadiid dagaal sida uu hadlaka u sifeeyey afhayeenkaasi.
Si kasta ha ahatee duulaanka iyo abaabulka Ciidamada dowladda KMG ka wadaan Gobolada jubooyinka ayaa ku soo beegmaya xili maamulka Al-shabaab goboladaasi wada hadalo heshiisin ah la galayaan beelaha daga goboladaasi.
Xafiiska Wararka Huriwaa,Muqdisho
wararka@huriwaa.com webmaster@huriwaa.com

Categories: Wararka
Tags:

Qoraalkan in feker laga dhiibto waxaa diiday Maamulka warbaahintan

Advertisement href="http://www.gobolada.com/cod/madaxweyneshariif.rm">
Madaxweyne Sheikh Shariif Ma shaley Buu Qaldanaa Mise Maanta Ayuu Saxanyahay?Siyaasada miyaa wajiya Badan? mise shaqsiga ayaa wajiya badan (shalay iyo Maanta)(Dhagayso Barnaamij aan ka diyaariney Wareysiyadii Laga qaaday) By;Shafka

Recently Commented