C/laahi Axmed Azhari Wasiirka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo haatan ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dalka Biritin ay ka heleen deeq lacageed oo gaaraysa in ku dhow 7-milyan oo dolar.
Waxa uu sheegay in ay arintaas ka dhalatay kulamada dhexmaraya madaxda dowlada KMG ah iyo kuwa ingiriiska gaar ahaan Madaxweyne shariif iyo sa’isul wasaaraha ingiriiska,kaas oo ay isla soo qaadeen xaalada cakiran ee wadanka Soomaaliya
Wasiirka ayaa intaa ku daray in marka ay dib ugu soo laabtaan dalka ay shaacin doonaan waxa ka soo baxay socdaalka madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay haatan ku guuleysteen intabadan waxyaabihii ay u yimaadeen.
Mr Azhari waxa uu xusay in Britain ay ka qeyb qaadan doonto tababarka Ciidamada Booliska dowlada KMG ah islamarkaana ay kala hadleen wasiirka amaanka ee dalkaas inuu kala shaqeeyo dhinaca tababarka Ciidanka Dowlada KMG ah.
Xafiiska Wararka Huriwaa,Muqdisho
wararka@huriwaa.com webmaster@huriwaa.com






