Dadka deegaanka ayaa sheegay in saaka ay wadada warshadaha ku arkeen Nin Meyd ah, kaas oo xalay halkaas la soo dhigay waxaana saaka halkaas ku soo xuumay dadka deegaanadaas.
Midka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ninkaan ay ka muuqato rasaas lagu dilay lamana oga sababaha dilkaas keenay iyo waliba cida dilkaas fulisay toona marka laga reebo in ninka meydka ah halkaas la soo dhigay.
Waxaa la sheegayaa in la aqoonsaday Meyda Ninkaas oo lagu sheegay inuu ahaa Nin dhalinyara ah waxaana lagu arkay agagaaraha warshadii Ifka Xalan sida ay ku waramayaan dadka deegaankaas.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caadi ka ah in xaafadaha magaalada lagu arko qof meyd ah oo aan la garaneyn cida dishay iyo sababaha loo dilay waxaase jira walaac ay arintaas ka muujinayaan dadka degan xaafadaha cidlada ah oo intabadan la soo dhigo dadka la dilay.
Xafiiska Wararka Huriwaa,Muqdisho
wararka@huriwaa.com webmaster@huriwaa.com






