Hoobiyaal haatan ku dhacaya qeybo ka mid ah Degmada hodon
Madaafiic hoobiyaal ayaa haatan ku soo dhacay qeybo ka mid ah Degmada hodan ee magaalada Muqdisho, taas oo aan la ogayn halka ay ka imaaneyso sida ay sheegayaan dadka halkaas ku dhacay....
Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo dhaleeceeyay dowlada kenya.
Mudanayaal kor u dhaafaya Ilaa 40-ayaa maanta sheegay ka qaaday in ay diyaariyeen go’aan ka dhan ah dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeeyeen xad gudubyo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas....
Safaarada Soomaaliya ee wadanka Tanzaniya oo Xabsiyada dalkaas ka sii daysay dhalinyaro Soomaaliyeed.
Sii yahay safaaradda dowladda KMG ee ku leedahay wadanka Tanzaniya, Maxamed Diiriye Cilmi ka dib markii safiirkii wadankaas loo magacabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in xabsiyada ka sii daayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo maxaabiis ku ahaa xabsiyada wadanka Tanzaniya.
...
Dab xoogan oo ka kacay gudaha Suuqa bakaaraha ee Muqdisho.
Waxaa suuqa weyn ee bakaaraha ka soconaya dab aad u balaaran oo suuqa ka kacay da dib salaada cishaha, iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo dabka ka kacay qeybta shidaalka ee Suuqa bakaaraha.
...
Baaq ka soo baxay shirka Wasiirada arimaha dibada IGAD.
War-murtiyeed ay si wada jir ah uga soo baxay kulanka magaalada Addis ababa ay ku yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Urur goboleedka IGAD ayaa loogu baaqay dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca in ay dar dar galiyaan wadahadalada.
...
Madaxweyne shariif oo la kulmay Wasiirka arimada dibada Iran
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Monoucher Mottaki ayaa sheegay in Iran ay dhan kasta ka caawineyso dowladda KMG ah ee Soomaaliya,islamarkaana ay garab taagan tahay xukuumada KMG ah si ay u xaliso dhibaatada ka jirta dalkeeda...
Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo ku celiyay in dagaal ay dalka kula wareegayaan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ka sheegay in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin wax uu ugu yeeray argagixiso caalami ah,islamarkaana ay dowladiisu talaabo milatari ka qaadeyso.
...
Madaafiic haatan lagu garaacayo qeybo ka mid ah Muqdisho
Duqeyn xoogan ayaa haatan ku socota xaafadaha Wardhiigleey iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaaficda ay ridayaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
...
Hogaamiyaasha Afrika oo kulan ugu furmay Addis ababa.
Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa saaka waxaa ka furay kulan madexeedkii Midowka afrika, kaas oo looga hadlayo arimo kala duwan oo ay ku jirto xaalada wadanka Soomaaliya.
...
Dagaal saaka ka dhacay Degmada Afmadow ee Jubada Hoose.
Dagaal xoogan ayaa saaka aroortii waxaa uu ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose, isagoo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana la sheegay in dagaalka uu dhexmaray al-shabaab iyo xoogaga ka soo horjeeda.
...
Barakac ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Xaafado ka mid ah magalada muqdisho ayaa waxaa ka socda barakac xoogan ka dib markii ay dib magaalada Muqdisho uga bilowdeen dagaalo aad u qaraar oo habeen iyo maalin ka socda caasimada.
...
AMISOM oo soo dhaweysay waqtiga dheereedka ah oo ay joogayaan Somalia.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ee jooga wadanka Soomaaliya Kabtan Brigye Bahoku ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Ciidamada Midowga afrika loogu daray waqtiga halka sano ah waxa uuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin go’aankaas.
...
Maamulka Ahlusunna oo sheegay in ay taageersan yihiin dowlada KMG ah
Gudoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay laba laabayaan dagaalada ay kala soo horjeedaan al shabaab iyo xizbul Islaam, islamarkaana carabka ku adkeeyay in ay taageersan yihiin dowlada KMG ah....
Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Xamaas oo ku dhintay Dubai.
Sarkaal Sare oo ka tirsanaa jiray Ururka Xamaas ee ka dagaalama dalka Falastiin gaar ahaan daanta Galbeed ayaa lagu soo waramaaya in uu ku dhintay Magaaladda Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta....
Britain oo dhamaadka 2010 sheegtay in ay wareejineyso Amaanka Afganistan
Wasrrka rimaha dibada Britain David Miliband ayaa sheegay wakhtiga ay talada gobolada Afganistan ku wareejinayaan dowlada wadankaasi,waxaana uu sheegay in uu dhamaadka sanada 2010 uu noqondoono wakhtiga sida rasmiga ah ay dowlada Kapul ula wareegayso amaanka gobolada kala duwan ee Afganistan oo ay haatan joogaan ciidamada NATO oo ay ciidamadoodu qaybta ka yihiin....